SAWIRO: Daacish oo soo bandhigtay muuqaalka dagaal ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ururka Daacish ee ka dagaallama dalalka Soomaaliya, Ciraaq iyo Suuriya ayaa soo bandhigay Muuqaalka iyo Sawirro muujinaya dagaalkii ay sheegeen in ay ku dileen xubno ka mid ah Shabaab ee ka dhacay duleedka degmada Qandala ee gobolka Bari.

Daacish ayaa Isniintii sheegtay in ay dishay 14 xubnood oo ka tirsan Shabaab, ayna hub ka furatay kadib dagaal ka dhacay gobolka Bari.

 Ururka Daacish ayaa bil ka hor sheegay in uu dagaal aargudasho ah ku qaadayo Al-shabaab, haddii aysan joojin dilalka ayAl-shabaab u geysato xubnaha ka tirsan Daacish.

Walima jiro wax war ah oo kasoo baxay dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku aadandagaalka iyo waliba dhimashadda Daacish ay sheegtay.