Xal laga gaaray Khilaafkii Guddoonka Golaha Shacabka+(SAWIRRO)

Waxaa is af garad kusoo dhamaaday kullan ay maanta Muqdisho ku yeesheen Gudoonka golaha Shacabka Soomaaliya, oo markii ugu horeysay kulmay ka dib khilaafkii soo kala dhex galay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka, gudoomiye ku xigeenadiisa iyo xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ayaa kullankaan ay yeesheen waxa uu kusoo idlaaday in ay is af-garteyn, dhawaana ay howlihii Baarlamaanka Soomaaliya ay dib u bilaabi doonaan.

Qaar kamid ah xildhibaanada golaha oo sheegay in iyagu ay isku xil saareyn xalinta khilaafka u dhaxeeya gudoonka golaha ayaa soo qaban qaabiyay kullankaani, kadib dadaal dheer oo ay u galeyn in ay kullansiiyaan gudoomiyaha golaha iyo ku xigeenadiisa.

Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya kana qeyb galay kullankaasi ay yeesheen gudoonka golaha ayaa sheegay in si hordhac ah looga heshiiyay khilaafkii Guddoonka Golaha shacabka soo kala dhexgalay,islamarkaana kulamo kale la isku balansaday.

48362763 2048281508548734 1216191694341406720 N 300x225

48362946 2048281198548765 92111316033994752 N 300x194

48369780 2048281345215417 1593790199505092608 N 300x207

48374312 2048281591882059 7718744662629941248 N 300x225