Wararkii ugu danbeeyay Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho & Mas’uul caan ah oo lagu dhaawacay

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  Gaari oo Maanta ka dhacay Xaafada Siigaale degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,waxaana gaarigiisa loo xiray  mid ka mid ah mas’uuliyiinta xiriirka Kubadda cagta Gobolka Shabeelaha dhexe.

Gaari nooca Soomaalida u taqaano Saruf ayaa qarxay,waxana xilliga uu qarxayay saarnaa Ruuxii lahaa Gaariga oo ahaa Guddoomiye kuxigeenka xiriirka Kubada Cagta Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu Magacaabo Maxamuud Cumar Axmed(Qasaaye)

Eheladiisa ayaa waxa ay  sheegeen in dhaawac  lugta ah uu ka soo gaaray  qaraxaas Guddoomiye kuxigeenka xiriirka Kubada Cagta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka qaar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga uu Maanta ka soo bixiyay Garaash uu ugu xareesnaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay intii ay Wadooyinka Muqdisho xirnaayeen,hayeeshee Maanta markii uu lasoo baxay uu ku qarxay.

Qaraxyada dhejiska ah ee Gawaarida lagu dhejiyo ayaa inta badan ka dhaca Magalada Muqdisho,waxaana horay loogu xiray oo u geeriyooday,Saraakiil Xildhibaano iyo dad kale.