Guddoomiye Mursal, C/wali Sheikh Ibraahim Muudeey & Cawad oo shir Albaabada u xiran yahay ku leh Muqdisho

Warar aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in guddoonka Golaha shacabka ay kullan ku leeyihiin Hotel Shabeel ku yaalo oo ku yaalo magaalada Muqdisho halkaasi oo hooy u ah Guddoomiye Mursal.

Kullankaan oo aan hori loo sii shaacin ayaa wararka waxa ay sheegayaan in looga arrinsanayo khilaafka u dhaxeeya gudoonka golaha oo kala aragti duwan, iskuna khilaafay kala diristii guddiga maaliyada iyo mooshinka laga keenay madaxweyne Farmaajo oo uu gudoomiyaha golaha qabtay.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane C/wali Sheikh Ibraahim Muudeey iyo Ku-xigeenka Labaad ee Mahad Cabdalla Cawad ayaa gurigiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya  ay uga wada xaajoodaan xaaladda cakiran ee Baarlamaanka ka taaga.

Kullankaan ayaa waxa uu noqonayaa midkii ugu horeeyay oo ay yeeshaan gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya tan iyo markii uu Gudoomiye Mursal shaaciyay in guddiga Maaliyada ay howshooda wataan.

48386174 1947873375311019 3418842681135071232 N