DEG DEG: Mukhtaar Roobow oo ka haray Doorashada K/galbeed iyo warbaahinta oo uu la hadli doono

Guddiga doorashada koonfur galbeed oo la hadlay mid ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow aanu u tartameyn doorashada madaxtinnimada koonfur galbeed ee 19-ka Bishan ka dhici-doonta magaalada Baydhabo.

Guddiga ayaa intaasi raaciyey in Roobow uu dhameystiray hab-raacii doorashada balse ay ku dheggantahay dowladda federaalka ah, isla markaana nin maqan aanu tartami karin.

Hadalka guddiga doorashada ayaa imaanaya kadib maalmo markii ay dowladda federaalka ah soo xirtay Mukhtaar, iyada oo sheegtay in uu faraha laga galay arrimo ka baxsan heshiiska.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow uu hadli-doono saacadaha soo socda, iyada oo laga yaabo inuu ku dhawaaqo ka haristiisa doorashada.