Senator Ilyees oo digniin u diray Musharaxa la wato ee la doonayo in sanka laga geliyo Shacabka K/Galbeed

Senator Ilyees Cali Xasan oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Aqalka sare ee laga soo doorto Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay iney nasiib daro tahay in iyadoo la joogo 2018 dhamaadkiisa dalkuna Federal yahay in shacabka Koonfur Galbeed sanka laga geliyo Musharax la wato.

Wuxuu shacabka Koonfur Galbeed ku ammaanay iney iska diideen,isagoo ugu baaqay musharaxa la wato inuu ku kalsoonaado dadka iyo deegaanka.

Sida la rumeysan yahay Musharax C/casiis Laftagareen ayaa hadda ugu cad cad musharaxiinta Koonfur Galbeed ee taageerada ka helayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 Halkaan Hoose ka akhriso Qoraalka Senator-ka:-

Iyadoo lajoogo 2018 dhamaadkiisa dalkuna Federal yahay, waa nasiib daro in sanka laga gelinaayo musharax ay Dowlada u arkeyso inuu danteeda kashaqeynaayo.

Waxaa amaan Mudan iney iska diideen dadka reer Koonfur Galbeed, waxaana leenahay Musharaxu lawato dadkaaga iyo deegaankaaga ku kalsoonow.

SUAAL

Hadii aad ahaan laheyd musharax lawato maxaad sameyn laheyd? Aniga Musharaxnimadeyda waan katanaasuli lahaa!

DoorashadaKG