AKHRISO: Maxaadan Ogeyn oo ka cusub maanta magaalada Baydhabo?

Xaalaada Magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel gaarka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saakay waxa ay tahay mid degan, kadib markii labbadii maalin ee ina dhaaftay ay ka taagneyd xiisad ka dhalatay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka waxaa si caadi ah u socda isku socodka gaadiidka, waxaana sidoo kale furan goobaha ganacsi ee Magaaladaasi, markii laga reebo meelihii ay saameeyeen banaanbaxayaashii maalmahaan ka socday Baydhabo.

Waxaana xusid mudan in banaanbaxayaasha Baydhabo ay ku geeriyoodeen dad badan oo uu kamid ahaa xildhibaan kamid ahaa xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa lasoo warinayaa in ciidamadii faraha-badnaa ee Magaalada gudaheeda daadsanaa in saakay aanan lagu arkeyn oo ay isaga tageyn goobihii ay dhufeyska kaga jireyn.