XOG: Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Eriteriya oo goordhow soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha dalka Eriteriya Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho si heer sare ayaana loo soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dalka, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda ayaa soo dhaweeyay Wafdiga Madaxweynaya Eritrea.

Isaias Afwerki, iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in ay yeeshaan kulan ay uga hadlayaan xiriirka labada dal.

Waa booqashadii ugu horreysay ee uu Isaias Afwerki ku yimaado Soomaaliya iyo markii uu dalkiisa ka go’ay Itoobiya inteeda kale.