XOG: Maxay xilligaan u shaqayn karin siyaasadda Xildhibaanada mooshinka FARMAAJO?

Xildhibaanno dhowr darsin ah ayaa Axaddi Mooshin xil ka qaadis ka keenay madaxweynaha dalka.

Qodabada loo loo cuskaday mooshinka waxay ahaayeen kuwo cabsi, walwal iyo mugti uu galay mustaqbalka dalka lagu muujiyay.

Waxay sheegeen inay go’aanka u qaateen inay badbaadiyaan madaxbannaanida Soomaaliya oo khatar ugu jirto in Itoobiya lagu daro. Xildhibaan Fiqi oo ka mid ah ragga indhaha u ah kuwa

mooshinka keenay ayaa yiri “gaari fariin la’aan ayaa shacabki la saaray marka inta uusan la gaddoomin inaan badbaadinno waaye”.

khiddada mooshinka lagu dhisay, idaacadda laga sheegay dadkana loo akhriyo waxaa mid caan ah adduunka oo dhanna ka jirta.

Waa kaarto ay isticmaalaan xagjiriinta iyo dadka siyaasadda dibad joogta ah inta badanna waxay sahashaa inay hantaan hoggaanka dalka iyagoon dhib badan u marin. Waa farsamada Taraam kursiga saartay.

Afka qalaad waxaa lagu yiraahdaa “politics of fear and anger”. Waxay ku dhisantahay in dadka laga cabsiiyo, loo muujiyo in dhulka kharar ugu jiro inuu gacanta ka baxo, shisheeyo kusoo duulay, dhaqanki iyo habnololeedkoodi la baddalayo badbaadaduna ay ku jirto in baddalo dadki talin jiray (elites).

Hasa ahaatee waxaad mooddaa arrintaan inaysan hadda ka gadmayn dadka Soomaaliyeed.

Falcelinti ka timid mooshinka maahayn dhiig kacay, qiiro iyo taaggeero loo moojiyay mooshinka ee wuxuu noqday isgarabtaag iyo rabitaan la tusay madaxweynaha mooshinka laga keenay.

Inta bannaanka usoo baxday ka sakow, baraha bulshada iyo dadka ka qayb galay doodaha lagu falanqeeyo arrimaha siyaasadda way ku yarayd cid beer jileec tustay mooshinka. Sababtu maxay tahay?

Dhowr arrimood ayaa sabab u ah baa isleeyahay. Kow, cabsida lasoo bandhigay meesha kama muuqato.

Ittobiyada la sheegay inay dalka la wareegayso waxaad moodda inuu xaalkeedu lidka u socdo. Labaatanki sano ee lasoo dhaafay waa marki ay Itoobiya ugu faro­galinta yarayd arrimaha Soomaaliya si toos ah iyo si dadban ba.

Wax caddayn ah oo la taaban karo oo muujinayo inay Itoobiya farogalin ku hayso iyo inay qorshaynayso inay Soomaaliya la wareegto ma jiraan.

Labo, dadka isteerinka u hayo mooshinka maahan kuwo lagu bartay waddaniyad iyo cadow nacayb. Tusaale, Mahad Salaad wuxuu ka mid ahaa raggii Jigjiga ka dhaanteeyay, ONLF argagixso ku tilmaamay, madaxtooyada oo ay Amxaaro dagantahayna maamumuli jiray.

Inuu ninka madxatooyada ka saaray saafaraddi Itoobiya kana dhigay meel gooni u ah madaxda Soomaaliya ku tilmaamo caamil Itoobiya in fahmo way adagtahay! Saddex ma muuqdo waji cusub oo dadka laga iibiyo.

Labada xisbi ee hadda ugu qaylada badan mucaaradka waxaa madax ka ah rag horay loo soo tijaabiyay. MD Xasan Sheekh afar sano ayuu

joogay Villa Soomaaliya. Waxtarkiisa waa la bartay waxa uu keeni karana cidna daah kama saarra.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa loo aqoonsanyahay masuul siyaasadda ku haftay.

Sidaas darteed dadka waxaa u cad haddii Farmaajo maanta la tuuro inaysan jirin cid hadda xilka u taagan oo lagu baddalo taasoo keeni karto dalku inuu galo marxalad u eg tii sagaashamaadki.

Taasi kama dhigna inaysan jirin cid Farmaajo ka fiican laakiin waxay tilmaamayaa dadka hadda bannaanka usoo baxay ee raba kurisga.

Afar, dadku wuuu daalay. Soddon sano ka badan ayaa maalin walba huuhaa dhiiggooda lagu kicinayay si fududna colaad loogu abuurayay.

Waxay soo gaareen hadda heer ay eektaan danahooda gaarka ah ruux walbana uu ka fakero saamaynta gaargka ah ee uu ku yeelan karo mooshinku.

Arrintaas waxaa tusaale u ah qoraalka ay soo saartay rugta ganacsiga taasoo ay ku xustay in mooshinku saamayn ba’an ku yeelan doono howlaha ganacsiga iyo maalgashiga sidaas darteed ay codsadeen in laga laabto.

Ugu danbayn, waxaa habboon in mucaaradku la yimaado siyaasad aanan cabsi galin iyo caraabin ahayn. Inay cashar ka bartaan khaladaadka hadda dowladdu ku jirto siyaasaddooda mustaqbalkana ku dhisaan dhaqaale, horumarin iyo hagaajin xaaladda nolosha shacabku ku jirto.

Itoobiya na qaadanayso marbaa lagu soo caano maalay laakiin hadda waxay soo xirantay. Waxaa kaloo habboon inay sugtaan labada sano ee dhimmaan taasoo ah muddo yar oo aan ka badnayn inta la diyaagaroobayo iyo isbaridda dadka.

W/Q: Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

kala soco: https://ibrahim­shire.blogspot.com/

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Shaaciye.com. Shabakadda Shaaciye, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir