DHAGEYSO: Xildhibaanadii Mooshinka Gudbiyay oo cabsi soo wajahday & caburin lagu hayo

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si wayn uga qaylo dhaaminaya nidaam cusub oo lagu soo rogay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, kadib markii cadaadis la saaray Xildhibaanada.

Waxa ay sheegeen in dhibaatada ugu badan ay kala kulmayaan Ciidanka Ammaanka,waxayna intaasi raaciyeen in gelitaan xarunta Villa Hargeysa oo ah halka ay Xildhibaanada ku siraan dhib badan oo dhaafsiisan sharciga ay kala kulmaan.

Xildhibaan Aadan Madoobe ayaa sheegay in culeys badan uu soo fuulay wixii ka danbeeyay markii ay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha ay gudbiyeen.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa loo diiday iney galaan xarunta Villa Hargeysa si ay uga shiraan,waxaana go’doon la geliyay guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Wixii ka dambeeyay markii Axadii la soo dhaafay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ay gudbiyeen Mooshin ka  dhan ah Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa soo baxay nidaam cusub oo Xildhibaanada loogu diidaayo inay u gudbaan Villa Hargaysa oo ku dhex yaallo Villa Soomaaliya.