Dagaal u dhaxeeyo Labo maleeshiyo beeleed oo hadda ka socda Gobolka Sh/dhexe

Dagaal culus ayaa waxaa laga soo sheegayaa inuu hadda ka socdo tuulo hoos tagta degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Dagalkaasi ayaa wuxuu ka socdo tuulada lau magacaabo Ceel-muluq oo hoostagta Degmada Cadale,waxaana dagaalka la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhaxeeyo laba Maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi ,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Ilaa iyo hadda lama ogg Khasaaraha rasmiga ah ka dhashay dagaalkaas ka socda Tuulada Ceel-muluq ee hoostagta Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.