Warbaahinta Caalamka Oo Si La Yaab Leh Uga Hadlay Mooshinka Laga Gudbiyay Farmaajo

Warbaahinta caalamka ayaa waxaa maanta qabsaday hadal heynta mooshin Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen Taliyaha 1-aad ee ciidamada qalabka Sida, maxamed Cabdillahi Farmaajo.

Shaahadaha Muuqbaahiyasha Caalamka ayaa waxaa safafka hore ka galay sawirro iyo muuqaalo looga hadlayo in Madaxweyne Farmaajo uu cadaadis xoogan kala kulmayo xildhibaano katirsan Baarlamanka.

Foolkaanada ka dhax qaraxday Madaxda dowladda dhaxe iyo kuwa Laanta sharci dajinta Soomaaliya ayaa noqotay mid jahwareer siyaasadeed galisay xaalada dalka gaar ahaan tan Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sido kale laga dareemayaa qulqulka siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada oo marba marka ka dambeysa Shirar gaar gaar ah ugu guur guuraya Hotelada ku yaal Muqdisho.

Mooshinka laga gurbiyay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed cabdillaahi Farmaajo ayaa sababay in sido kale shir magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan ku Xigeenada gudoomiya Baarlamaanka oo qabtay hindisaha Moogashinka laga gudbiyay Madaxweynaha, iyagoona si cad uga xagliyay dhanka Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa wada dadaalo lagu kala fur furayo is baheysiga Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Maxmed Cabdullaahi Farmajo.

Dhanka kale waxaa soo gaaray magaalada Muqdisho Hogaamiyaha Muraadka dowladda Cabdiraxmaan Cabdishakuur kaa oo laga yaabo in qalqal siyaasadeed uu kusii abuuro Mooshinka ka dhanka Farmaajo, maadama xurguf horay ay ka dhaxeysay Madaxda dalka iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Shacabka Muqdisho iyo kuwa gobalada Soomaaliya ayaa ku wareersan Xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloolsan madaxda dowladda dhaxe, iyo shirarka is daba jooga ah oo ka socda Caasimada Soomaliya.