MOOSHINKA SABABAY ISMAANDHAAFKA!

92 Xildhibaan oo kamid ah golaha shacabka ayaa u gudbiyey guddoomiyaha golaha shacabka soo jeedin xambaarsan 5 eed oo waaweyn, waxa ciwaan looga dhigay ‘Hindisaha Xil ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya’ ereybixintaasi waxa ay waafaqsan tahay dastuurka kmg oo qodobka 92aad uga hadlaya Maxkamadeynta iyo maamuus kaqaadista madaxweyne Jamhuuriyadda, sida lagayaabo in aad la socoto Soo jeedintan waxa la qoray  dabayaaqadii sanadkii 2017, si gaar ah xilligii ay taagnayd xasaraddi siyaasadeed ee kadhalatay qabashada iyo dhiibista Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax oo bishii Agosto ay xukuumadda Soomaaliya u gacan gelisay xukunkuumaddii xilligaas ee Itoobiya, qabashadiisa iyo gacangelintiisu waxa ay dhacday 23-8-27-8-2017, balse  bishii June-2018 ayaa Qalbidhagax laga daayey xabsiga kaddib isbeddelka xukunka Itoobiya.

Qalbi Dhagax

Muddo sanad iyo dheeraad ah Mooshinka Xil ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya’ waxa uu la’aa tirada xildhibaanada uu u baahan yahay si loo diiwaangeliyo looguna aqoonsado soojeedin meelmar ah, hayeeshee intii u dhexeysay Okober-2017 illaa November-2018 ayuu helay tiro dhiirrigelisay xildhibaanada waday soo jeedintan.

Waa maxay sababta uu xilligan u helay tirada 92 xildhibaan?

Inkasta oo xildhibaano kuqoran saxiixa Mooshinka Xil ka qaadista Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya’ ay sheegeen in aanay ku jirin oo laga beensheegay saxiixa mooshinkan qaarkoodna ay saxiixeen sanadkii 2017,  haddana sidii ay tahayba soo jeedintan waa la qabtay waana la diiwaangeliyey, waana suuragal in xal dhexdhexaad ah laga gaaro mar haddii uu jiro heer uu kala qaybsan yahay guddoonka golaha shacabku.

Xasaradaha siyaasadeed ee kadhasha go’aanada iyo ficilada xukunku (Backlash) waxa ay u baahan yihiin in si deggan oo dhaqsi ah loo xalliyo inta aanay isgaarin oo aysan sababin kacdoon siyaasadeed, kaas oo siyaasiyiinta qaarkood isku qariyaan si ay u xaqiijiyaan danaha iyo masaalixda u gaarka ah.

Tusaale ahaan xukuumadda Raisalwasaare Xasan Cali Khayre waxa ay gaartay muddada ay jirto guul iyo guuldarro labadaba, guuluhu waxa ay u baahan yihiin sii waddid halka guuldarradu u baahan tahay maareyn iyo yareynta saameynta ka dhalatay.

Dhinaca Nabadgelyada

Haddii aad xusuusato Qaybta difaaca iyo amniga ee xukuumaddu waxa ay ka kooban tahay 10 hay’adood, waana mid kamid ah  dhinacyada  uu ballanqaadka adag ka sameeyey Raisalwasaare Kheyre islamarkaana uu kahor sheegay Baarlamaanka in uu siinayo muhiimadda koowad, dowladda Soomaaliya waxa ay ku khasirtay Qaybta difaaca iyo amniga dhaqaale badan, iyada oo ay sidaas tahayna waxa dhacay intii u dhexeysay June-2017-Sep-2018 oo muddo sagaal bil ah 9 weerar oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca 1144 muwaadin, mid kamid weeraradaas waxaa ku hanta belay 364 muwaadin waxaana uu ka tegey carruur agoon ah oo tiradooda tahay 1547 carruur ah.

Somalia Statement 19 Oct 17

14-Oktober-2017

Inkasta oo xilka lagaqaaday madax badan oo kushaqo lahayd nabadgelyada haddana habkii loo maareeyey falcelinta weeraradaasi ma ahayn mid xukuumadda ka dabooli kara dulduleellada iyo gaabiska dhanka howl gudashada, sidaas awgeed mar walba oo xukuumaddu aanay si habboon oo maangal ah uga jawaabin dhacdooyinka waxa abuurmaya jawi ay ku imaan karaan soo jeedin kadhan ah madaxda laanta fulinta.

TT           Taariikhda           Weerarka            Dhimasho            Dhaawac

  1. 14-june-2017 Pizza House        22           M/H

  2. 20-june-2017 Degmada Wadajir            11           22

  3. 22-june-2017 Saldhigga waabari            5              M/H

  4. 14-Oct -2017 Isgoyska Zope   656         340

  5. 29-Oct-2017 Naasahablood 2                29           –

  6. 7-july-2018 Otto otto             15           21

  7. 14-july-2018 SYL         6              –

  8. 2-Sep-2018 Howlwadaag      7

  9. 10-Sep-2018 Hodon  10

  10. Isugeyn: 761         383

Xiriirka xukuumadda iyo Baarlamaanka

Toos

Labada hay’adood ee xeerdejinta iyo Fulintu waa in ay wadashaqeeyaan islamarkaana isdheellitiraan, laanta xeerdejintuna ay kormeerto howlgudashada laanta fulinta si kafog in lagu cabbiro sida ay xukuumaddu uga jawaabto baahida iyo danta shaqsiga ah.

Saddex arrimood oo waaweyn ayaa dhabqisay  xiriirka xukuumadda iyo golaha shacabka oo horraantii sanadkii 2017 xukuumadda Raisalwasaare Kheyre ku aqbalay cod aqlabiyad ah hayeeshee xiriirka labada hay’adood ayaa la kulmay dhowr caqabadood oo sababay in golaha shacabku sanadka dhammaanaya oo dhan meelmariyo oo keli ah xeerka isgaarsiinta.

Doorashada dowladgoboleedka KGS, tartanka iyo musharaxnimada Muqtaar Roobow Cali guddoomiye ku xigeenkii hore ee Alshabaab iyo ciidanka ay xukuumaddu geysay Baydhaba ayaa saaciday in Mooshinka Xil ka qaadista Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya’ uu helo hawo uu kudhaqdhaqaaqo, sababta ugu weynna waxa suuragal ah in ay kadhalatay habka arrimaha ay xukuumaddu uga falcelisay.

Arrinta guddiga maaliyadda iyo warbixintii ka soo baxday guddigaas ayaa iyaduna ahayd caqabad kale oo sababtay kala taagnaan aan macno weyn lahayn oo kutimid xukuumadda iyo golaha shacabka, waxa ay arrintii u sii gudubtay in guddoonka golaha shacabka qudhiisu uu ku kala aragti duwanaado sida loo xallinayo xasilooni la’aanta siyaasadeed ee u dhexeysa laanta fulinta iyo xeerdejinta.

Go’aanka labada guddoomiye ku xigeen ee khilaafka

Hadalka ay jeediyeen guddoomiye kuxigeenada 1aad iyo 2aad ee kusaabsan sida loo maareynayo khilaafka waxa uu uga sii daray siina cakiray xaaladda, halkii ay ahayd in ay si deggan oo taxadar leh u maareeyaan xallinta khilaafka waxa ay Cawad iyo Muuddeey doorteen in ay adeegsadaan luuqad adag oo dareenka iyo caadifadda shidaal ku sii shubeysa.

Dowlad-goboleedyada iyo xukuumadda dhexe

Madaxda Dowlad Goboleedyada

Xasarad kale oo iyaduna saameynteeda leh ayaa ah xiriirka dowladgoboleedyada iyo dowladda dhexe oo aan wanaagsanayn, xiriirkaas sida ay xukuumaddu u maareysay waxa uu sababay in xaalku sii cakirmo oo uu kala go’o xiriirka dowladda dhexe iyo dowladgoboleedyadu.

Iscasilaaddii madaxweynihii KGS iyo cakirnaanta xaaladda Galmudug ayaa kamid ah mashaakilka kadhashay xiriir xumada xukuumadda dhexe iyo dowladd-goboleedyada.

Xalka ugu sahlan ee Mooshinka

Madaxweyne Farmaajo waaya-aragnimo fiican ayuu u leeyahay mashaakilka kadhasha xasaradda siyaasadeed ee ka dhex dhalata Baarlamaanka iyo xukuumadda  iyo sida ay u saameyn karto howlgalka laamaha xeerdejinta iyo Fulinta, sidaas awgeed isaga oo adeegsanaya xog-ogaalnimadiisa waxa ugu habboon ee uu qaadi karo si xal dhexdhexaad ah loo gaaro waa in uu si taxadar leh wadahadal ula furo guddoomiyaha golaha shacabka islamraakana marka hore gacan ka geysto in guddonka Baarlamaanku wadashaqeeyo, xalka khilaafkana si wadajir ah u m aareeyo.

Guddoomiyaha golaha shacabkuu waxa uu muddo hadda laga joogo kuyimid xilka guddoonka kaddib khilaaf ka dhex dhashay laanta fulinta iyo golaha shacabka kaas oo sababay in uu xilka ka tago guddoomiye Jawaari, sidaas awgeed isaga oo oh wixii dhacay iyo dhibkii ka dhashay khilaafkaas waa in uu caqliga calaliyo oo xaqiiqda taal dhulka hoos u eego.

WQ: Axmed C. Guutaale

Dersa Sharciga & Qaanuunka