XOG: Wakiilkii Al-Shabaab ee deegaanka Basra oo gacanta lagu dhigay

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamadda Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay weerar qorsheysnaa ka fuliyeen deegaankaasi.

Labadda ciidan ayaa weerar ku qaaday deegaanka Afyaraani oo ah deegaan uu ku hareereysan yahay Wabiga Shabeelle, waxaana ciidamada oo watay diyaarad gaar ah la sheegay inay u degteen deegaanka.

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-shabeelle,ciidamadda ayaa beegsaday hoyga Guddoomiyaha Xarakadda Al Shabaab ee deegaanka Basra, nin magaciisa lagu sheegay Macalin Daahir.

Intuu howlgalka socday ciidamadda ayaa dilay xubno ka Tirsanaa Al-shabaab,iyagoo sidoo kale gacanta kusoo dhigay guddoomiyaha Al Shabaab ee deegaanka Basra Macalin Daahir.

Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo loogu hadlaayo howlgalka ka dhacay deegaanka Basra ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.