Askari ka tirsanaa Ciidamadii ay geysay Dowladda Federaalka oo lagu dilay Baydhabo

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in magaaladaasi lagu dilay askari ka tirsan Ciidamada Booliska ka dib xabad uu ku dhuftay askar kale oo ka tirsan Booliska.

Dilka ayaa ka danbeeyay ka dib markii uu muran soo kala dhex galay labada askari oo ku wada sugnaa magaalada Baydhabo.

Saraakiisha Booliska waxa ay sheegeen in gacanta lagu haayo Askariga dilka gaystay, sharcigana la horgeyn doono.

Ciidankaan ayaa ka tirsan Ciidamada Booliska ee Dowladda ay gaysay Magaalada Baydhabo, kadib markii Maamulka Koonfur Galbeed ay dalbadeen ciidamo Boolis ah oo ammaanka ka caawiya.

Xaaladda Magaalada Baydhabo ayaa ah mid caadi ah, jawigana uu degan yahay.