DHAGEYSO: Daahir Cirro” DFS oo waxay hurineysaa Xiisadda siyaasadeed ee KGS hadana waxay bur burin rabtaa Puntland,”

Siyaasi Daahir Cabdulqaadir Muuse (Daahir Ciiro), oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed marna soo noqday Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa eedeen u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Isagoo la hadlayay mid ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayuu sheegay in Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ay faragalin ku hayso Doorashadda bisha soo socota ka dhici doonta Maamulka Puntland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda ay kaalin weyn qaadatay hurinta xiisadda siyaasadeed ee Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya,islamarkaana wali ay faragalin ku hayso.

Hadalka Siyaasiga ayaa kusoo beegmaya xili Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) uu sheegay in Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ay faragalin ku hayso doorashadda Maamulkiisa.