Sheekh Shaakir Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay In Ay Ku Biireen Galmudug?

Sheekh Maxamad Shaakir Cali Xasan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in wax la dhoho Maamulka Gobollada Dhexe uusan  jirin, kadib markii dhawaan ay heshiis Muqdisho kula gaareen Maamulka Galmudug
Waxaana uu xusay in ay qeyb ka yihiin Galmudug, islamarkaana uu yahay Madaxa Golaha fulinta ee Maamulkaasi.
Sidoo kale Sheekh Maxamad Shaakir Cali Xasan Madaxweynihii hore ee Maamulka Gobolladda Dhexe ayaa intaasi ku daray in Maamuulka Galmudug dhaawaan si buuxda ugu soo guurayo xaruntiisa rasmiga ah Magaalad Dhuusa Mareeb eexarunta Gobolka Galgaduud
Dhawaan ayey ahayd, markii Ahlusunna iyo Galmudug Heshiis uu goobjoog ahaa Madaxweynaha Soomaaliya ay ku kala Saxiixdeen Magaalada Muqdisho, kaas oo meesha ka saaray khilaafkii xooganaa ee u dhaxeeyay labadaasi dhinac.
Waxaana tallaabadaasi aad u soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan Gobollada Dhexe ee Dalka, kuna tilmaamay in uu yahay Heshiiskaasi mid taariqi ah oo ay wada sugayeen.