Yuusuf Indha Cadde Oo Yimid Muqdisho Iyo Hadal Lala Yaabo Oo Uu Ku Yiri Farmaajo

Siyaasiga caanka ah ee Sheekh Yuusuf Siyaad Indha Cadde ayaa maalintii shalay ahayd kasoo dagay magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa in uu u yeeray madaxwaynaha SOomaaliya MCFarmaajo, inkastoo aan la hubin hadalkaas.

Indhacadde ayaa laga doonayay in uu dhex dhexaadiyo dowladda iyo beeshiisa oo isku dhaggan, ha yeeshee waxa uu wacad ku maray in aan la oggolaan karin in qofkii mucaarada la xiro.

“Adigu (Farmaajo) waxa aadu tartantay madaxwayne, isaga (Cabdiraxmaan) sidoo kale, waad kala badiseen mooyee in la is ixtiraamo ayuu ku jirtaa wanaagga,” Indha Cadde.

Weli waxaa xabsiga ku jiray siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kaas oo lagu eedeeyay in uu fal dambiyeed ka galay qaranka.