Wax Ka Ogoow Shuruudaha Lagu Sii Daayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Siyaasiga C/raxmaan Cabdishakuur ayaa caawa laga sii daayay xabsi uu ku jiro 2 cisho, waxaa lagu siii daayay damaanad uu isagu aqbalay.

Sida aan kasoo xigtay Villa Somalia waxaa C/raxmaan Cabdishakuur damiintay Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed, Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Xaaf iyo madaxweynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare.

Waxaa sii socon doonta dacwad C/raxmaan inta ay dacawdiisu socoto waxaa laga mamnuucay inuu saxaafada la hadlo.

Sidoo kale wasiirkii hore waxba kuma qori karo baraha bulshadda tiiyo ay jirto in laga mamnuucay inuu dalka ka dhoofo inta ay baaristo socoto.

C/raxmaan ayaa xili walba oo loo baahdo tagi doona maxkamadda, waaaxda dambi barista ayaa sidoo kale xili walba su’aalo weydiin karta sidda damaanadda lagu cadeeyay.

Qodobadaan ayey isku afgarteen madaxda sare ee dalka iyo madaxdii damiinatay siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur.