RASMI:- Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo dib U dhacday

Warar aan ka helayno maxkamadda gobolka benaadir waxa ay sheegayaan in dib loo dhigay maxkamadeyntii la filayay in galabta lagu qaado CCWarsame.

AVV. Tahliil Xaaji oo ah qareenka u doodaya siyaasi Cabdiraxmaan cabdishakuur ayaa sheegay in lagu war geliyay in dib loo dhigay maxkamadeynta, kadib markii ay xeer ilaallinta codsatay in dib loo dhigo si ay u helaan xog aruurrin iyo keenidda caddeymo nuujinaya in loo digay siyaasiga markii la weerarrayay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la shaaciyay in wakhtiga ugu dambeeya ee dacwadda la qaadayo ay tahay marka la gaaro 8-da Subaxnimo ee maalinta berrito.