Muxuu Ku Diiday Cabdiraxmaan Cabdishakuur In Damaannad Lagu Sii Daayo?

Shalay ayeey ahayd markii maxkamadda lasoo taagay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kaas oo lagu eedeeyay in uu qayaanno qaran ka galay dalka.

markii ay soo idlaatay maxkamadeyntiisa oo dib loogu dhigtay maalinta beri (Maanta) ayeey xeer ilaallintu u oggolaadeen in la dammiinan karo, ha yeeshee CC Warsame ayaa diiday oo sheegay in qofka la dammiinta uu yahay qofka dambigii lagu soo oogay uu ku caddaaday, balse isaga uu weli isku ogeyn dambi loo dammiinto.

Si kastaba ah ahaatee maanta ayaa loo fadhiyaa in markale la qaado dacwadda siyaasiga, iyadoo xeer ilaallinta qarankana ay weli raadinayaan in ay keenaan xog dhammeystiran oo ku aaddan dacwada lagu soo oogay siyaasiga.