Habar Gidir Oo 5 qodob Hor Dhigtay Farmaajo Iyo Kheyrre Iyo Arrinta CCShakuur Oo Weli Xal Loo La’yahay!!

Maalinkii saddex aad ayuu siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kujiraa xabsiga dowladda Soomaaliya, ha yeeshee waxaa socda kulamo xiiso badan oo u dhaxeeya beeshiisa iyo madaxda ugu sareysa dalka.

Xildhibaannada iyo odayaasha beelaha Hawiye ayaa la kulmay Farmaajo iyo Kheyrre waxaana ay hor dhigeen shan waxyaabood oo mudan in laga jawaabo haddii la doonayo in beeshaas aysan ka hor imaan dowladda Soomaaliya.

waxaana ay kala yihiin qodobbada la hor dhigay:-

1 In la Shaaciyo ­Sababta Ka dambeysay Siyaasiga lagala dhex baxo mucaaradka intiisa kale.

2­ Iyadoo la heli karo in looga yeero maxkamadda sare, sababta ka dambeysay in la weerarro oo khasaarro uu ka dhasho.

3: In diyo laga bixiyo ilaalladii lagu dilay weerarkaas.

4  Raalli gelin heer qaran ah in laga bixiyo dhacdadaas.

5 in aysan soo noqon markale dhacdo noocaas oo kale.

Haddii qorshahaas iyo qodobbadaas la hor dhigay dowladda ka dhigo fureysato waxaa macquul ah in khilaafka uu intaas kasii xoogeysto.