Shabaab oo caawa Weerar Xooggan ku qaaday Afgooye Iyo Xog dheeriya?

Dagalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa caawa weerar ku bilowday laba Bambo gacmeed waxa ay ku qaadeen Ciidamo Dowladda Federaalka ka tirsan oo fariisin ku lahaa Agagaarka Buundo-yar ee degmada Afgooye.
Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa sheegaya weerarka inuu ahaa mid socday waqti kooban oo labada dhinac ay is hubiyeen rasaas xooggan, taasi oo baqdin gelisay shacabka.
Saraakiisha ammaanka Dowladda oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in rag ka tirsan Shabaab in ay weerar soo qaadeen balse Ciidamada Dowladda ay iska difaaceen, maadaama xogta weerarka ay ka war hayeen.
Waxay kaloo sheegeen saraakiisha in Ciidamada caawa ay wadaan dhaq dhaqaaq Ciidan oo ay uga jawabayaan weerarka Shabaabka ay soo qaadeen iyo sidii looga dabi tagi lahaa raggii weerarka soo qaaday.
Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka caawa, maadaama ay tahay xilli habeen ah ayna adag tahay in la helo xogta rasmiga ah ee dagaalka.
Ururka Al-Shabaab, ayaa u muuqdo kuwo kordhiyay weerarada ka dhanka ah Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo weeraradan ay baqdin ku abuureen dadka degaanka.