Dhagayso:Cumar C/Rashiid oo Ka Hadlay Xariga C/raxmaan C/shakuur, Madaxdana Dhaliilay

Raisulwasaarihii Hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa ka hadlay xariga iyo Maxkamadeynta Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah gudoomiyaha Xisbiga Wadajir.
Cumar Cabdirashiid oo la hadlay Idaacdda Voa-da ayaa sheegay in waxa ay dowladda Soomaaliya wado ay tahay caburin isla markaana hadii uu ka aamuso dib loogu laaban doono wadadii burburka.
Sidoo kale Raisulwasaarihii Hore ee Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay  in wixii todobaadaan ay sameeyeen Ciidamadda Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliya ay ahaayeen waxa aan loo dulqaadan Karin marnaba.
Waxa uu sheegay  Cumar C/rashiid  in hadii qiyaano qaran ay Siyaasiyiinta mucaaradka ah galeen waxa ka weyn uu yahay kan dhiibay shaqsi horay uga tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed oo lagu magacaabo  Qalbi Dhagax.
Sidoo kale Cumar Cabdi Rashiid Raisulwasaarihii Hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya  ayaa iska fogeeyay in uu xiligaan ku  howlan yahay diyaarinta iyo kicinta Xildhibaano doonaya in ay mooshin ka gudbiyaan madaxda Qaranka.
Halkaan Hoose ka dhagayso