DEG DEG:-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Maxkamad Lasoo Taagay

aasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa Galabta la soo taagay maxkamadda Gobolka Banaadir.

Xeer ilaalinta Qaranka ayaa siyaasiga ku soo oogay dacwad ku saabsan olole ka dhan ah dowladda iyadoo loo adeegayo dano dowlado shisheeye.

C/raxmaan C/shakuur ayaa ujeedka loo geeyay Maxkamadda waxay ahayd in waqti dheeraad ay hesho xeer ilaalinta, kadib markii ay ka dhammaatay muddadii sharciga ahayd ee ay hayn kartay oo ah 48 saacadood.

Xeer ilaalinta ayaa ku howlan isku duba ridka dacwadda, waxaana hadda ay heli kartaa xalaaleyn xabsi oo 3 ilaa 7 maalmood ah oo dib loo cusbooneysiin karo.

Dhanka kale Maxkamadda Gobolka banaadir ayaa Muddo 24-saac u qabatay Xeer Ilaalinta qaranka iney cadeyn u keenaan eedeymaha loo haysto C/raxmaan C/shakuur.

Dhanka kale Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaliya ayaa dadaal ugu jira in xabsiga laga sii daayo siyaasiga si damiin ahaan taasoo laga yaabo in maxkamadda ay aqabasho.