Warbaahinta Qaranka Ma Qaswadayaasha Ayeey U Adeegtaa?

Warbaahinta gudaha ayaa dhammaan hadal haya arrinta weerarkii xalay loo geystay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo lagu soo waramayo in uu dhaawac yahay.

Weli wax war ah kama soo saarin dowladda, sidoo kale waxaa la sheegaya in laga dhigo kooxda soo weerartay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur shabaab islamarkaana horey u kaxeystay.

Radio Muqdisho, Tv ga qaranka, iyo wakaaladda SONNA midna wax kama qorin arrintaas, iyadoo ay tahay wax saxan haddana waxaa muuqata in warbaahinta qaranku ay u adeegeyso ama la jirto qaswadayaashii xalay soo weerarray guriga siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ma ahan markii ugu horreysay ee warbaahinta qaranka ay ka aamusto hadal dhab ah oo jira, waxaana kamid ahaa dhacdadii Bariirre iyo dhacdadii Qalbi Dhagax.