Maxaa Isku soo Aaddiyay Farmaajo Oo Gaashaandhigga Jiifa Iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Xabsiga Jiifa?

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay u hoyday xarunta Gaashaadhigga ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale isla xalay waxaa la weerarray guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wersame oo ku yaallay agagaarka Buulla Xuubeey, waxaana ay ciidanka Nabad sugidda dhigeen xabsiga Maamo Khadiijo ee magaalada Muqdisho.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in madaxwaynaha Soomaaliya uusan ku lug lahayn weerarkaas, ha yeeshee waxyaabaha caddeymaha ama tuhunka gelin kara waxaa kamid ah in uusan u hooyan xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaalia halkaas oo uu dagnaa.

Sidoo kale haddii uu warkaas yahay mid saxan oo uusan ka war qabin,  Farmaajo  wuxuu dhihi lahaa dowladda wax luga kuma lahan, ha yeeshee waxaa magaalada ka socda in Farmaajo uusan lug ku lahayn arrintaas.