Labo Askari oo lagu dilay Boosaaso Iyo Xog laga helaayo?

Labo ka mid ah Ciidanka Taraafikada iyo Canshuuraha ee Maamulka Puntland ayaa saaka lagu dilay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Koox hubeysan ayaa bartamaha Magaaladaa Boosaso ku dilay labada Askari xilli ay ku sugnaayeen waddada weyn ee bartamaha Magaalada oo xilligaas mashuul ahayd sidoo lalena ay adeegsanayeen dad iyo gaadiid badan.
Kooxda dilka geystay ayaa ka baxsaday waxaana markii ay falkaas geysteen kaddib goobtii tagay Ciidamo ka mid ah kuwa amaanka ee Maamulka Puntland.
Ciidamada ayaa xiray waddooyinka ku dhow goobta uu dilka ka dhacay,waxaana ay baaritaan kula dhaqaaqeen dhismayaasha iyo goobaha ganacsi ee ka agdhow halka uu falka ka dhacay.
Meydadka labada Askari ee la dilay ayaa la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Boosaaso,halkaas oo la filayo in laga qaado si loo aaso.
Magaalada Boosaaos waxaa ay ka mid tahay meelaga ugu badan ee falalka amniga liddiga ku ah ay ka dhacaan ee degaannada Maamulka Puntland waxaana dhowr jeer ka dhacay dilal qorsheysan,weerarro Bambooyin ah iyo kuwo is qarxis ahba.