Digniin Culus:- Cumar Cabdirashiid Oo Qarka U Saaran In Uu Maro Waddadii Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayeysa in ay cadaadiska ku badiso siyaasiyiinta Imaaraadka Carabta xiriirka la leh, waxaana lagu soo waramayaa in waraaqo la dhigay Airportyada magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, taas oo lagu codsanayo in la qabto haddii uu soo dago Cumar Cabdirashiid.

Waa markii ugu horreysay oo sidan oo kale Soomaaliya ay ka dhacdo in la xir xiro ama la beegsado siyaasiyiin ka dib xilligii keligiitaliye MSBarre.

Haddii ay middaas dhacda waxa ay waa cusub gelinaysaa xaalad aan qummaneen oo siyaasadeed taas oo sababi karta dagaal iyo colaad cusub oo uu dalka galo.

Cumar Cabdirashiid ayaa horey ra’iisul wasaarre kaga soo noqday dalka laba jeer oo kala duwan, ha yeeshee dowladda Farmaajo ayaa u aragta in uu yahay siyaasi kamid ah kuwa mucaaradka ugu xoogga badan.