Deg deg: DFS oo sheegtay in Maxkamad la hor-geyn doono C/raxmaan C/Shakuur?

Wasiirka Wasaaradda amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Xeer-ilaaliyaha qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa goordhaweyd shir jaraaid ku qabtay Magaaladda muqdisho.
Shirkaan jaraaid ayaa waxaa loogu hadlay weerarkii xalay Cidamadda Dowladda Soomaliya ay ku qaadeen Hoyga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim “Xildhibaan” ayaa sheegay in Ciidamada amaanka Soomaaliya ay weerarkaasi fuliyeen Islamarkaana ay watayn warqad ruqsad soo qabasho ah Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.
Waxa uu sheegay in Gurigiisa  laga hagayay  dabin ama qiyaano Dowlado Shisheeye la damacsan yihiin Soomaaliya waxa uuna sheegay in ay Maxkamad soo taagi doonto Dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale Wasiirki Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in shirar aan fasax loogu haysan wasaaradda aan lagu qaban Karin  Magaaldda Muqdisho,cidii arintaas sameysana sharciga lala tiigsan doono.
Xeer ilaaliyaah Guud ee qaranka Soomaliya Axmed Cali Dahir ayaa isna digniino u jeediyay xidlhibaanada iyo siyaasiyiinta dhaliilsan  soo qabashada Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.,wuxuuna sheegay in ayagana la qaban doono.
Shirkaan oo goor-dhaw soo dhamaaday ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay heshay xog dheeraad ah oo ku saabsan in C/raxmaan C/Shakuur warsame uu lacago ku soo qaatay duminta Dowladda Soomaaliya.