Xabsi Mise Isbitaal, Halkee La Geeyay Dhaawaca Cabdiraxmaan Cabdishakuur?

Weli waxa aynu ku guda jirnaa tebinta weerarkii lagu qaaday guriga cabdiraxmaan Cabdishakuur Wersame oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sida aan ku baahinnay wararkii hore ciidanka nabad sugidda ayaa la wareegay guriga siyaasiga sidoo kale dhaawac xooggan ayeey u geysteen taas oo ay u dheereyd in ay nabad sugidda horey usii kaxeysteen.

Wararka ayaa sheegaya in la geeyay xabsiga godka jilacoow ee magaalada Muqdisho .

saraakiil aan la hadalnay ayaa sheegaya in siyaasigu uu aad u dhiig baxayo islamarkaana uusan weli helin wax gargaar caafimaad maadaama uu dhaawacan yahay.