Miskiinaa Miska La Fuullo Leh:- Xeer Ilaalliyaha Qaranka Oo Meel Cidla Ah Ka Maagay Xildhibaanno Lagu Sheegay Qaran Dumis

Dr Axmed Cali Daahir oo ah xeer ilaalliyaha qaranka ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa ku sheegay in dowladda ay baaritaan ku sameyn doonto xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Universal Tv ayaa baahisay warka xeer ilaalliyaha, waxaana lagu eedeeyay xildhibaannadaas in ay lacag kasoo qaateen dowlado shisheeye si loo burburiyo qaranka Soomaaliya.

Xeer ilaalliyaha ayaa ka codsaday guddoonka Baarlamaanka in xasaanadda xildhibaannimo lagala laabto labadaas shakhsi.

Laba xildhibaan ee lagu eedeeyay in ay yihiin Qaran dumis waxaa lagu sheegay Xasan Macallin Maxamuud iyo Abdi saabbir Nuur Shuuriye, oo dhammaan ka tirsan golaha shacabka ee dowladda Soomaaliya.

Waa se su’aal is wayddiin mudan sidee bay ku dhacday in laga gambado siyaasiyiinta qaar oo caddeystay mowqifkooda, islamarkaana la og yahay in ay la shaqeeyaan¬† qaar kamid ah dowladaha daneeya arrimaha soomaaliya?