Maxaa Ka Dhacay Gudaha Xarunta Degmada H/Wadaag? (Wax Aadan Fileyn)

Warar laga helayo degmada H/Wadaag ee magaalada muqdisho waxa ay sheegayaan in qof ganacsida lagu dhex dilay gudaha xarunta degmadaas.

Sarkaal ka tirsan waaxda canshuuraha ee degmada H/Wadaag oo rasaas ku furay qof ganacsada ahaa oo ay isku af dhaafeen arrinta canshuurta taas oo keentay in goobtaas oo ku geeriyoodo.

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horreysay oo gudaha xarun degmo lagu dhex dilo qof, waxaana gacanta lagu dhigay sarkaalkii geystay falka, ka hor inta uusan isku dayin in uu ka baxsado goobta.