SIR CULUS: Siyaasi Aqoon Yahan Caana oo ka Digay Halis Ku soo wajahan Somalia Warbaxin ?

Wax yar hadii aan dulmar ku sameeyno Shirada Black water & Dunida waxa ay ka aaminsanyihiin & Diiwaanka Dunida Danbiyada waxa ugu qoran. SHIRKADA Black water waa shirkad ka ganacsata Dhiigga Aadanaha suuqeeduna waa wadamada ay ka jiraan colaadaha & Dowladaha Daciicfka ah. Black water F.S.G waa shirkad Calooshood u shaqeeystayaal oo Danbiya kala duwan ka soo galay wadamadii ay soo Gacma-gacmeeyeen waliba waxaa u dheer Burcadnimo & Argagixisonimo.
Ka dib markii lagala noqday Ruqsadii shirkada; ayaa waxaa dhacday in milkiilaha shirkada Erick prince uu magacii badalay kana soo guuray wadanka mareeykankan , ka dib waxa uu magacii ku badalay (FSG) wuxuuna fariisin uu ka dhigtay wadanka isu taga Imaaraatka (UAE) , ka dib F.S.G. waxeey Qandaraas ay ku qaadatay dhamaan Dakadaha Ku yaala wadamada Geeska Afrika iyadoo ujeedadeedu tahay ineey curyaamiso ay abuurto sicir-barar seey shacabka & Dowladahaasi isaga hor keento danahooda gaarka ahna u fushadaan waxaa tussaale noogu filan dhamaan Dakadihii ay la wareegeen gidigood Albaabada ayeey isugu dhufteen; iyadoo adeegsaneeyso D.P.World .
Taasi waxaa ka sii daran ka dib Erick prince oo ah milkiilaha shirkada Black water in uu Qandaraas uu ku siiyay Shirkada la dhaho Akadami (Academy) oo wacyigooda yahay wadanka shiinaha Hongong & Shangai shirkadaan waxa ay ka ganacsataa Haraadiga warshadaha & Radio Active waste disposal oo la rabo in lagu Duugo (Aaso) Xeebaha Gobolka Shabeellaha Hoose iyadoo waliba ay jiri doonto Dhul seera ah oo lama galaan noqon doono (Non Authorise zone) oo lagu qiyaasay in ka badan 10.kms.
Hadaba Dowlada Federaalka & Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu Digayaa khatarta ay soo wadaan Shirkadahaan qoowleeysatada ah oo aan jirin meel laga xukumo & cid xukunta toona jirin fal kasta oo ay doonaan sameeyn kara oo wadanka isaga soo qul-qulaaya in laga Digtoonaadaa fiira gaarana loo yeeshaa .
Runtii dhibaatada haatan ku soo wajahan Gobolka Shabeellaha Hoose kaliya kuma ikaan doonaan Aafooyinka Haraadiga warshadaha & Sunta la rabo in lagu Duugo Xeebaha & Beriga sh/hoose balse Dalka oo dhan ayeey Aafeeyn doontaa .
Ugu danbeeyntii Dowlada federaalka &Beesha Caalamka waxaan ugu Baaqayaa in ay si Taxadar badan ula socdaan safarka uu ku tagani doono Maalinta Axada (17/12/2017) wadanka Isutaga Imaaraatka Carabta(UAE) ee uu Madaxweynaha Maamulka kumeel-gaarka Koonfur galbeed SHARIIF XASAN XASAN uu kula soo saxiixan doono heshiiska kama danbeeska ah ee lagu keenaayo Haraadiga Warshadaha & wasakhda Isbitaalada ( Radio Active waste Disposal) xeebaha & Beriga Gob.Sh/hoose.
Runtii hadii aan si Soomaalinima ah aan loogu hortagin Aafadaasi Guud ahaan Dalka oo dhan ayeey saameeyndoontaa.
Wakiilka Dowlad Goboleedka koonfur galbeed ee UK +EU
Dr , CALI CABDI

Qatar
Qatar