Sarkaal Ka Tirsan Dowladda Oo Lagu Dilay Duleedka Muqdisho

Warbaahinta Alshabaab ayaa baahisay war sheegaya in ay kooxdaas ay iska leedahay mas’uuliyadda dil loo geystay sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dilka ka ayaa ka dhacay deegaanka duleedka ka ah magaalada Muqdisho ee Weydoow oo ah deegaan dadka ay dhowaan degeen islamarkaana ku yaalla inta u dhaxeysa deegaanka Garasbaalley iyo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in sarkaalka la dilay uu la socday askari waarddiye u ahaa kaas oo isna kooxda weerarka ku qaadday ay isna dileen.

Waxaa kusoo badanayay magaalada Muqdisho weerarrada gaadmada ah ee lala beegsanayay sakhsiyaadka dowladda ka tirsan iyo kuwa reyid ah dhowaantan.