Kulanka ugu dambeeya Golaha shacabka oo ku furmay 173 Xildhibaan?

Kulanka ugu dambeeya kalfadhiga 2aad ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka furmay Magaalada Muqdisho,waxaana maanta ajendayaasha kulankan kala yihiin.
1. Soo bandhigidda Warbixinta Guddiga Dastuurka ee BFS
2. Warbixinta Guud ee Howlqabadka Kalfadhiga 2-aad ee Golaaha Shacabka
3. Hadaljeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo  abbaaran Hakinta Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Shacabka.
Golaha shacabka Soomaaliya ayaa Sanadkii ay jireen yeeeshay labo Kalfadhi oo uu ugu dambeeyo midka maanta ay ku leeyihiin Muqdisho.
Kulanka Maanta waxaa xaadirtay 173 Xildhibaan,waxaana markii ugu tirada badneyd tan iyo doorashadii oo Xildhibaanno intaas la eg xaadiraan hal kalfadhi.
Guddoomiye Jawaari ayaa qaadan doona hadalka ugu dambeeya ee xiritaanka Kalfadhiga 2aad oo maanta ku eg iyada oo Xildhibaannada ay geli doonaan fasax labo Bilood ah waxaana ay soo laaban doonaan 16ka February.
Xilligaas ayuu dib u billaaban doonaan Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Tobanaad ee Golaha shacabka Soomaaliya.