DEG DEG:- Ra’iisul Wasaarre Kheyrre Oo Ka Jawaabay Hadal Ay Wadeen Siyaasiyiinta Habar Gidir

Kheyrre ayaa si kulul uga hadlay arrinta quseysa hakinta gargaarka ciidanka ee dowladda Mareykan iyo Midobowga Yurub uu siin jiray ciidanka dowladda.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ahaa qofkii ugu horreeyay ee sheega in dowladda Mareykan ka ay jaratay gunnada ciidanka qaranka, taasna ay dhibaato ku tahay dowladnimada.

 Sidoo kale siyaasiyiin uu kamid yihiin Fiqqi iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay arrintaas walloow uu Mahad Salaad ahaa kan ugu badan ee qoraal ka sameeya arrintaas.

Ha yeeshee galabta ayuu ra’iisul wasaarre Kheyrre ka hadlay arrintaas, wuxuuna sheegay in si kumeel gaar ah looga joojiyay islamarkaana loo hakiyay gunnadii iyo taakulladii ay heli jireen ciidanka dowladda waaxda 12-ka April ee ka howl gala labada shabeelle iyo Benaadir.

Si kastaba ha ahaatee arrinta ayaa sii xasaasi noqoneysa maadaama ciidankaas ay u badnaayeen beellaha Habar Gidir iyo Abgaal.