Ciidamada Ahlusunna oo Howlgal ka wada dhuusamareeb Iyo dad la soo qabtay?

Ciidamo ka tirsan Maamulka Ahlusunna ee magaalada dhuusamareeb ayaa la sheegay in ay maanta dhuusamareeb ka wadaan Howlgalo ka dhan ah gaadiid muraayadaha madow ee ka shaqeeya magaaladaasi.
Wararka ka imaanaya magaalada ayaa sheegaya in Ciidamada ay qabtayn ilaa dhowr Gaadiid ka shaqeeynaya deegaanada Ahlusunna gaar ahaan dhuusamareeb kuwaas leh muraayadaha madoow sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Ahlusunna oo dhawaan la midowday Galmudug ayaa hore u soo saartay digniin ka dhan Gaadiidka leh Muraayadaha madow waxaana la sheegay in ay soo dhamaadeyn waqtigii loo qabtay.
Sidoo kale Ciidamada Ahlusunna ayaa qabtay ku dhawaad 10 qof oo la sheegay in ay baaritaano ku socdaan waxaana looga shakisan yahay in ay abaabulayeen falal amni daro.