Mareykanka oo Soo Saaray War ka Naxsaday Madaxweyne Farmaajo ?

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay joojineyso gargaarka ay siiso Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, sababo Mareykanka uu ku sheegay musuq maasuq iyo wax is daba marin.
Mareykanka ayaa Ciidamada Millitariga Soomaaliya ku taageeri jiray gargaar kala duwan oo ay ka mid yihiin cunada, shidaalka, hubka iyo agab kale.
Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in joojinta gargaarka loo sameeyay si loo hubiyo in gargaarka Mareykanka loo isticmaalo si wax ku ool ah iyo in ay jirto isdaba marin.
“Ma dooneyno in aan bixinno taageerada aan shaqaynayn oo aan ku caawino  dagaalka Soomaaliya, hadii aanan si sax ah loo bixineyn.” Ayuu yiri sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Sida laga soo xigtay Dukumiintiyada ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters, Saraakiisha ciidamada Millitariga ayaa awoodi waayay inay si habboon u quudiyaan, u bixiyaan ama u qalabeeyaan Askartooda, taasina ay sababtay in Mareykanka uu qaado talaabadan.
Mareykanka ayaa Soomaaliya u soo diray Sagaal Sirdoon, intii u dhaxeysay bilihii May iyo June, si ay u qiimeeyaan xaalada Ciidamada Millitariga iyo hadii si sax ah loo bixiyo gargaarka Mareykanka.