Sirdoonka Somalia oo Ku Kala Qeybsamay Duqeyn Ka Dhacday Shabeelaha Hoose ?

Qaar kamid ah saraakiisha Sirdoonka Dowladda Soomaliya ayaa ku kala qeybsamay weerarkii dhanka cirka ahaa ee diyaaradaha Mareykanka ay Habeenkii talaadda aheyd ku qaadeen deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Sarkaal magaciisa qariyay oo ka Tirsan Sirdoonka Soomaliya oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Mareykanka ay duqeeyeen  gaari khudaar waday uu ku soo jeeday Magaaladda Muqdisho,waxaana uu xusay in shakiga ugu weyn uu yahay in Gaariga Homy-ga ah waday walxaha qarxa.
Dhanka kale Sarkaal labaad oo ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya oo isna magaciisa qariyay ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP in gaariga la weeraray ay saarnaayeen Qaraxyo,qorshuhuna ahaa in uu weerar ka geysto Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ee Drone-ka loo yaqaano ayaa Soomaliya ka fuliyay 30-weerar oo lagu qaaday saldhigyadda dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab, iyo Ururka Daacish.
Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan waqtiga u kordhiyay ciidamadiisa howlgalka kawada gudaha Soomaliya.