Shirka Madaxda Islaamka Oo Furmay Iyo Qorshaha Khudbadeed Ee Farmaajo Oo Lasii Ogaaday!!

MAdaxwaynaha Soomaaliya iyo madaxda dunida islaamka ayaa maanta ku shiraya magaalada Islambul ee dalka Turkiga.

Madaxdan ayaa kulmaya shir laga soo hormariyay wakhtigiisa, kaas oo looga arrinsanayo xaaladda Quddus iyo go’aankii dowladda Mareykan ka ay ugu aqoonsatay magaaladaas in ay tahay caasimadda ismaamulka Israel.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu ka jeediyo khudbad taariikhi ah, taas oo uu kaga hadlayo muhiimadda ay u leedahay magaalada Quddus, ka Islaam ahaan iyo sida ay uga xun yihiin Soomaali ahaan go’aankii Mareykan ka.

Si kastaba ha ahaatee madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ka hadli doona sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dowladaha islaamka looguna adkeysan lahaa go’aanka Quddus in ay tahay magaalo Islaam oo aan Yahuud la siin karin.

Waxaa si hordhac ah loo ogaaday in dowladaha Islaaamka ay xiriirka u jari doonaan dalka Mareykan ka haddii uu ka noqon waayo go’aanka uu ugu aqoonsaday Jerusalem in ay tahay caasimadda Israel.

Si kastaba ha ahaatee waxa aan idin soo gudbin doonnaa wax badan oo kusaabsan shirkaas, iyo khudbadda taariikhiga ah ee uu Farmaajo ka jeedin doono shirkaas.