Sarkaal Ka Tirsanaa DFS oo Muqdisho Lagu Dilay Iyo Dilal kale oo dhacay?

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay Degmadda Hodan ee Magaladda Muqdisho ku dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya.
Sarkaalkaan la dilay waxa uu ka mid ahaa saraakiisha Tababarada siiya Ciidamo ku jira xiro ciidan oo ku dhex taala garoonka diyaaradaha Bilidoogle oo ah garoon ay gacanta ku yahaan ciidamada dowladda Mareykanka.
Mas,uuliyadda dilka sarkaalkan waxaa sheegtay Al-shabaab,waxa uu dilkan imaanayaa xilli sidoo kale saacada ka hor ciidamada Al-shabaab  ay dileen Labo askari oo ka wada tirsanaa Ciidamada Dowladda kuwaasi oo lagu kala dilay gudaha Suuqa Bakaaraha iyo xaafada Suuqa Xoolaha degmada Hurwaa.