Madaxwaynaha Soomaaliland Oo Maanta La Caleema Saarayo Iyo Shakhsiyaad Caan Ah Oo Ka Qeyb Galaya Munaasabaddaas

Madaxwaynaha cusub ee maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta lagu caleema saaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaas.

Muuse oo dhowaan ku guuleystay doorashadii qofka iyo codka ahayd ee ka dhacday deegaannada maamulkaas ayaa loo caleema saarayaa xilka madaxtinimo.

odayaal, mas’uuliyiin ka kala socota gobolka, siyaasiyiin, cuqaal iyo shakhsiyaad kale oo caan ah ayaa kasoo qeyb galaya munaasabadda caleema saarka madaxwayne Muusa Biixi.

Si kastaba ah ahaatee Muusa Biixi ayaa shanta sano ee soo aaddan maamuli doona maamulka Soomaaliland.