DEG DEG:- Fanaannad Hiba Nuura Oo Kasoo Dagtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Fanaannadda caanka ah ee Hiba Maxamed Huddoon Hiba Nuura ayaa maanta kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Qaar katirsan hoballada Qaranka, iyo shakhsiyaad ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha, waxaana loo galbiyay dhankaa iyo magaalada inteeda kale.

Hiba Nuura ayaa kamid ah shakhsiyaadka tusaallaha nool u ah fanka Soomaaliyeed, waxaana ay xilliga kala guurka ku nooleyd oo ilaa hadda ay ku nooshahay dalka dibaddiisa.

Si kastaba ha ahaate dowladda Soomaaliya ayaa wadday qorshe dib loogu soo celinayo qaar kamid ah fanaaniinta soomaaliyeed ee ku nool qurbaha, waxaana kamid ah shakhsiyaadka laga yaabo in uu dhawaan ku noqdo dalka, alfanaan Xasan Aadan Samatar Xasan Baashi kaas oo hadda ku nool dalka Jabbuuti.