Alshabaab Oo Soo Bandhigtay Kaartada Filim Cusub Oo Ay Ka Diyaariyeen Weerarkii Ay Ku Qaadeen Beled Xaawo

Kooxda Khawaarijta Alshabaab qeybteeda warbaahinta ee loo yaqaanno Al Kataa’ib ayaa soo bandhigtay fillim cusub oo laga sameeyay dagaal gaadma ah oo ay ku qaadeen kooxdaas saldhig ciidanka dowladda ay ku lahaayeen deegaanka beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Muuqaalka ayaa ah mid ay kusoo bandhigayaan guushoodii, iyo agab militeri oo ay ka qaadanayaan, islamarkaana ay ku sheegeen in ay ahayd Qanniimo ciidankii joogay halkaas.

Filimkan lagu soo bandhigayo Dagaalkii degmada Beledxaawo ayeey Al-kataa,ib ugu magac dartay« واغلظ عليهم 2 » , waana mid kamid ah sheekooyinka fillimada ay u baddalaan islamarkaana lagu buunbuuniyo dagaallada ay qaadaan.

Dhowr jeer oo horey ayeey fillimo kaga sameeyeen dagaallo ay qaadeen, waxaana kamid ah filim laga sameeyay weerarkii ciidanka Kenya ka lagu xasuuqay ee ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe Soomaaliya.