Jen:Caanood: “Maamulka Sh.hoose waxaay la shaqeyeen Al-shabab?

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jen Cabdullahi Cali Caanood ayaa dhaliil u jeediyay maamulka Gobolka Shabeellaha hoose,sidoo kalena uga digay dacaayad uu sheegay in ay ka fidinayaan Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee jooga Gobolkaas.
Jen Caanood ayaa sheegay in Maamulka Shabeellaha hoose ay ka dambeeyaan banaanbaxyada ka dhacay Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ee Isbaarooyinka looga cabanayay waxaana uu xusay arrintaas ay ka dambeeyaan maamulka Gobolka.
Caanood waxaa uu shaki geliyay in mararka qaar Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ay la shaqeeyaan Xarakada Al-shabaab,islamarkaana ay ka been abuuraan Ciidamada xoogga ee jooga Gobolka.
Dhinaca kale Jen Canaood ayaa dhankooda digniin siiyay Ciidamada lagu eedeynayo in ay jidgooyooyin dhigtaan Waddooyinka Gobolka Shabeellaha hoose.
Ciidamada ayuu sheegay in loogu talagalay in ay sugaan amniga,la dagaallamaan Al-shabaab islamarkaana qaadaan mas’uuliyadda amniga ee Gobolka hayeeshee aysan ahayn in ay ku lugyeeshaan Isbaarooyinka la dhigayo Gobolka.