Farmaajo Oo Turkiga U Duulay Iyo safarradiisa Oo Sii Badanaya!!

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana uu kusii jeedaa dalka Turkiga.

Madaxwaynaha ayaa ka qeyb galaya shirka iskaashiga islaamka oo wakhtigiisa laga soo hormariyay, waxaana uu kamid yahay madaxdii lagu casuumay shirkaas.

Waxaa looga hadli doonaa arrin Quddus iyo wixii laga yeeli lahaa, iyadoo diirradda lagu saarayo sidii arrinta diblomaasiyad loogu dhammeyn lahaa.

Si kastaba ha ahaatee waxa ay sii marayaan safarrada madaxwaynaha ku dhowaad 20-safar, waxaana ballanqaadyadiisii xilliga doorashada kamid ahaa in uu joojin doono safarrada dalka dibaddiisa ah ee joogtada ah.