Miinooyin Laga Soo Helay Garoonka Koonis Ka Hor Kulanka Galmudug Iyo Banaadir

Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ku taala ayaa sheegtay in goordhow miinooyin laga soo saaray albaabka laga galo garoonka Koonis oo ay galabta ku wada ciyaarayaan Gal-Mudug iyo Banaadir.

Miinada waxaa soo saaray ciidanka xasilinta iyo booliska, hadda waxaa socda sidda ay idaacaddu qoraalkeeda ku sheegtay baaritaano ay ciidamada Amisom ka wadaan gudaha garoonka iyagoo raadinaya miinooyin kale.

Hadii warkaan dhab noqdo, su’aalo badan ayaa ka dhalan doonaa arintaan, waxaase weli ay taageerayaasha kubbadda cagta isku diyaarinayaan kulanka u dhaxeeya kooxaha Banaadir iyo Galmudug.