Gaari Dad Saarnaa Oo Lagu Rasaaseeyay Balcad

Waxaa lasoo sheegayaa in kooxo hubeysan ay rasaas oodda kaga qaadeen gaari shacab oo marayay duleedka magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Gaariga la rasaaseeyay ayaa marayay halka loo yaqaanno beerta Muuse Suudi, waxaana ay wararka sheegayaan in uu halkaas ku dhaawacmay darawalkii gaariga kaas oo dhanka magaalada Muqdisho loo soo qaaday.

Lama oga cidda rasmiga ah ee ka dambeysay weerarkaas, ha yeeshee waxaa loo maleeyaa in ay yihiin kooxo tuugo burcad ah oo isku dayay in ay dhacaan gaarigaas iyo dadka saaran.

Ma ahan markii ugu horreysay ee gaadiid lagu rasaaseeyo inta u dhaxeysay Muqdisho iyo Jowhar. waxaana ay ahayd caado soo jireen ah, in gaadiidka qaar la rasaaseeyo iyadoo la doonayo in la dhaco.