Camey oo Eedeeyn Kulul u Jeediyey Qaar Kamid ah Hay’adaha Reer Galbeedka

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi xaaji Cumar Camey oo ka qeyb galay kulan loogu hadlayay taciyada loo geysto haweenka Soomaliyeed ayaa digniin u diray hay’adaha shisheeye iyo kuwa maxaliga ah.
Eng, Camey ayaa hay’addaha uga digey inay abuuraan kiisas been abuur ah oo la xiriira tacadiyada ka dhanka ah  Haweenka ee ka dhaca Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
“Waayahaan dambe waxaa soo kordhay hay’addo u sacabo tumaya inay dumarka lacag ku siiyaan kufsi been ah inay sheegtaan, Annagu ka Puntland ahaan in kufsi dhacay la qariyo ma ogolin, laakiin waxaa loo baahan yahay inaan runta laga been sheegin oo sumcada dalka lagu ciyaarin,,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sheegay inay marar badan dhacday falal ama kiisas lasoo oogey kadib baaritaan lagu sameeyeyna beenoobey, taasina aysan u wanaagsanayn sumcadda dalka.
Waxa uu sheegay in wixii jira aan la qarin haseyeeshee la doonayo mas’uuliyad laiska saaro sidii sumcadda dalka loo dhowri lahaa loogana dheeraan lahaa falalka xaqiiqda ka durugsan.